Dibedda

Mareykanka oo wadahadal shuruud la`aan ah ka dalbaday W/Kuuriya

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka , Rex Tillerson, ayaa sheegay in Mareykanka uu diyaar u yahay wadaxaajood uu la galo Kuuriyada Waqooyi, waxaana uu intaasi raaciyay in aysan wax shuruud ah ku xiri doonin wadahadalada Kuuriyada Waqooyi.

Mr. Tillerson ayaa ka digey in wadahadalada ay suuragal noqon karaan oo kali ah haddii la helo waqti cayiman oo aysan Kuuriyada Waqooyi tijaabin hubka Niyukleerka.

Soo bandhigidda uu wadahadalada soo bandhigay mr Tillerson ayaa u muuqata mid ka duwan dalabkii hore ee Mareykanka ee ahaa in Kuuriyadda waqooyi ay gabi ahaanba joojiso barnaamijkeeda hubka Niyukleerka.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Shiinaha ay sameeyeen qorshe ay ugu diyaargaroobayaan in ay qaabilaan qaxooti ka socda Kuuriyada Waqooyi haddii uu dagaal dhaco.

Madaxwayne Trump ayaa horay ugu baaqay in xoghayihiisa arrimaha dibadda uusan waqti isaga lumin wadahadal lala galo Kuuriyada Waqooyi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *