Gudaha

GALKACYO: Taliyaha ciidamada xoogga iyo madaxweyne Xaaf oo si wadajir ah u furay wadooyin xirnaa: SAWIRRO

Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed  jenaraal Cabdi Weli Jaamac Gorod iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” ayaa maanta furaan waddooyin ku xirmay dagaallo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha iyo madaxweynaha ayaa ku lugeeyay qeyba ka mid ah magalada Gaalkacyo oo horay ugu kala xirneyd maamullada Puntland iyo Galmudug.

Waddooyinka la furay ayaa ah kuwo labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo ka marta si bulshada labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ay iskudhex galaan.

Madaxweyne Xaaf ayaa saakay amar ku bixiyay in la furo waddooyinka ka xiran dhanka Galmudug ee waqooyiga Gaalkacyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *