Dibedda

Maalinta arooska Amiir Harry iyo lammaanihiisa Meghan oo shaaca laga qaaday

Taariikhda arooska amiirka da`da yar ee reer Britain Harry iyo lammaanihiisa Meghan ayaa si rasmi ah shaaca looga qaaday, waxaana uu dhacayaa 19-ka bisha Mai, sannadka soo socda ee 2018-ka.

Maalintan ayaa noqoneysa maalin Sabti ah, waxaana arooska uu ka dhici doonaan kaniisadda weyn ee St. Georges’s Chapel ee Windsor Castle.

Kaniisaddan uu arooska ka dhacayo ayaa qaada marti-sharaf gaareysa ilaa iyo 800, waxaana iskale qoyska reer boqor ee Ingriiska.

Dhamaadkii bisha November ee sannadkan ayaa shaaca laga qaaday in lammaanuhu is mehersadeen, uuna arooskoodu dhacayo sannadka dambe.

Si kastaba, taariikhda iyo maalinta la go`aamiyay in uu arooska dhacayo ayaa waxa ay ugub ku tahay aroosyadii ay dhigan jireen qoysaska reer boqor ee Ingriiska, kuwaas oo marnaba maalin Sabti ah dhigan aroos.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *