Dibedda

Safiirka Waqooyiga Kuuriya ee Qaramada Midoobay oo xalay hadallo kulul ka jeediyay Golaha Ammaanka

Xalay waxaa shir aan caadi aheyn oo looga arrinsanayay xaaladda iyo hubka dadka Waqooyiga Kuuriya uu ka dhacay xarunta Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee magaalada New York halkaas oo la isku dhaafsaday hadallo kul-kulul.

Sida caadada ah dalkii arrimihiisa laga doodayo waxaa lagu casuumaa in uu kasoo qeyb galo shirka, inkastii dowladda Waqooyiga Kuuriya lagu yaqiinay in ay qaadacdo ka qeybgalka shirarka noocaasi ah ee arrimahheda looga hadlayo balse doorkan waa ay ka qeyb gashay.

Safiirka Waqooyiga Kuuriya ee Qaramada Midoobay Ja Song-nam ayaa ugu horreyn ku eedeeyay Golaha Ammaanka in uu yahay dalad uu Mareykanku maamusho, uuna u adeegsado danahiisa gaarka ah.

Shirkan uu isugu yimid Golaha Ammaanka ayuu safiirku ku tilmaamay mid “gab-gab” ah oo uu soo abaabulay Mareykanka oo ka baqanaya quwadda iyo awoodda ay leedahay dowladdiisa.

” – Shirkaan waa mid gab-gab ah oo naflacaarinimo ka muuqato, islamarkaana uu soo abaabulay Mareykanka oo ka baqanaya awoodda dalkeygu u leeyahay lahaanshaha hubka wax gummaada ee Nukliyeerka”, ayuu yiri mr. Ja Song Nam.

Safiirka ayaa ku celiyay hadal uu dhowr jeer horay u jeediyay kaas oo ah in dalkiisa xaq u leeyahay sameysiga iyo haysashada hubka wax gummaada si uu ugu ilaaliyo jiritaankiisa islamarkaana meel uu ugu saaro cadowgiisa.

Shirkan oo uu sidoo kale fadhiyay kaaliyaha arrimaha dibedda Mareykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in xukuumadda Pyongyang ay ogolaayo in ay dib ugu laabato miiska wadahadalka si xal looga gaaro hebkeeda Nukliyeerka ee uu caalamku wal-walku ka qabo.

Shirkan ayaa waxaa la is leeyahay waxaa soo de-dejiyay tijaabo gantaan oo Waqooyiga Kuuriya 29-ka bishii November ay sameysan kaas oo isaga kala goosha qaarad ka qaarad islamarkaana lagu magacaabo Hwasong-15.

Gantaalkan cusub ee riddada dheer ayaa waxaa afka looga xiri karaa nukliyeer, waxaana ay dowladda Waqooyiga Kuuriya ay sheegtay in uu baabi`in karo dalka Mareykanka oo dhan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *